Inay joojin doonaan Pogba, sida weyn uu kaga soo hor jeedo isbar-bardhiga isaga iyo Neymar & dhowr arimood uu ka hadlay Julian Draxler

(Champ’ League) 12 Feb 2019. Xidiga kooxda Paris Saint-Germain ee Julian Draxler ayaa amaan dusha kaga tuuray laacibka reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba, kahor kulanka labada kooxood ay caawa ku wada ciyaari doonaan garoonka Old Trafford.

kooxaha Manchester United iyo PSG ayaa caawa isku wajihi doona lugta koowaad wareega 16-ka tartanka Champions League.

Julian Draxler ayaa sida caadiga ah wuxuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii PSG kaga soo muuqday shirka jaraa’id kahor kulankan si uu kaga hadlo ciyartan adag ay caawa la ciyaari doonaan Manchester United:

“Waxaan horey u wada ciyaarnay Paul Pogba, waa ciyaaryahan aad u wanaagsan isla markaana xoogan, laakiin waxaan heysanaa qof isaga joojin kara”.

“Manchester United waa koox weyn, waxayna heysataa dhowr ciyaaryahano aad u wanaagsan, gaar ahaan labada xidig khadka dhexe ee Pogba iyo Nemanja Matić”.

“Mid ka mid ah ayaa laga yaabaa inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa, laakiin PSG ayaa sidoo kale heli karta xidigo gaar ah”.

Intaas kadib Julian Draxler ayaa wuxuu iska diiday in lala bar-bardhigo xidiga reer Brazil ee Neymar Jr wuxuuna yiri:

“Waxaan ahay ciyaaryahan ka duwan Neymar Jr, kooxda aad ayay u tabi doontaa isaga, balse waxaan eeganayaa inaan qaato kulan aad u weyn, waxaana qabaa inaan awoodo inaan sidaas sameeyo”.

“Waxaan ka hadleynaa maqnaanshaha Neymar, Meunier iyo Edinson Cavani, sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan, waxaan fariin u diray Cavani kulankeena ugu dambeeyay”.

“Waxaan qabaa inaan sidoo kale u xiisi doono kulanka Manchester United, balse kama fikireyno xidigaha naga maqan, si aan diirada u saarno diyaargarowga aan ugu jirno kulanka Manchester United”,

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close