Dani Alves oo kalsooni weyn ka muujiyay awooda ay ku garaaci karaaan kooxda Manchester United

(Champ’ League) 12 Feb 2019. Difaaca kooxda Paris Saint-Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay heysato awood lagama maarmaan ah ay ku garaaci karto Manchester United kulanka ay ku wada ciyaari doonaan caawa lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League

Labada kooxood ee PSG iyo Manchester United ayaa caawa ku balansan garoonka Old Trafford, PSG ayaana dooneyso in ay soo afjarto guulaha xiriirka ah ee kooxda Red Devils.

Hadaba Dani Alves ayaa kahor kulanka caawa la wadaagay saxaafada:

“Waxaan qabaa in aan wax ka baran karno khaladaadkeenii hore ee tartankan, isla markaana aanan dib dambe u sameyn doonin, waxaa jira kulamo yar ee tartanka Champions League, sidaas darteed looma baahna wax khalad ah”.

“Waxaan rajo weyn ka leenahay tartanka Champions League, waxaan u baahanahay inaan sarre u qaadno heerkeena waxqabadka iyo diirad saarida, isla markaana aan sare u qaadno qaab ciyaareedkeena kulamada waaweyn”.

“Waxaan dooneynaa inaan badino, waana ognahay inaan sidaas sameyn karno, waana sameyn doonaa, xaalada ma noqon doonto mid fudud, sababtoo ah iyaga nama siin doonaan hadiyado, sidaasi darted waa inaan galnaa tartankan si aan usoo baxno wareega xiga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close