Barcelona oo la ogaaday inay deymo fara badan ku jirto isla markaana soo amaahatay 140 milyan oo Euro!

(Barcelona) 12 Feb, 2019  Kooxda kubadda cagta Barcelona ee waddanka Spain ayaa la sheegayaa in ay lacag ay aad ugu baahneyd oo gaaraysa 140 milyan oo Euro (158 milyan oo dollar) ka soo amaahatay laba shirkadood oo Mareykan ah oo dhanka maalgashiga qaabilsan.

Wargeyska maalinlaha ah ee ‘El Pais’ ee ka soo baxa Spain ayaa maanta qoray in labada shirkadood ee kala ah Pricoa Capital Group iyo Barings ay 90 milyan oo Euro iyo 50 milyan oo Euro si isdhaaf ah u amaahiyeen naadiga Barcelona, si ay gurmad ugu noqoto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Warsiduhu wuxuu intaa ku daray in Barcelona aysan xitaa qorshaha ugu jirin in 5 sanadood ay lacagtaasi ku bixiso, taa beddelkeedana waxay aqbashay in lacag dulsaar ah (interest) lagu kordhiyo.

Dhanka kale naadiga Barcelona ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa u soo xarooday 914 milyan oo Euro (1.03 bilyan oo dollar), laakiin in ka badan 500 oo milyan oo Euro ayaa waxa ay ku bixisay mushaarka ciyaartoydeeda.

Barcelona ayaa waxaa lagu leeyahay deyn korortay oo gaareysa 177 milyan oo Euro (200 milyan oo dollar), waloow cadadka rasmiga ah ee deynta lagu leeyahay Barcelona ee ay u gudbisay La Liga ay gaareyso 160 milyan oo Euro (180 milyan oo dollar).

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close