Álvaro Arbeloa oo u rajeeyay kooxda Barcelona inay ka hari doonto tartanka Champions League

(Spain) 12 Feb 2019. Daafacii hore kooxda Real Madrid Álvaro Arbeloa ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko kabtanka reer Argentina ee Lionel Messi oo ka fariisanaya ciyaarista kubada cagta waliba sida ugu dhaqsida badan.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu Álvaro Arbeloa bixiyay, waxyaabihii uu yiri waxaa ka mid ahaa:

“Messi waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, marna kuma raaxeysanin isaga, umana maleynayo inaan ku raaxeysan doono, waxaana rajeynayaa inuusan qaadan doonin waqti dheer, waxaana xisaabin doonaa maalmaha ilaa iyo uu ka fariisanayo kubada cagta”.

“Igama ahan inaan kasoo hor jeedo kooxda Barcelona, balse waxaan doonayaa in si dhaqsi ah ku lumiyaan isaga, sababtoo ah waxay maslaxad ugu jirtaa kooxdeyda Real Madrid”.

“Sidoo kale waxaan rajeenayaa in kooxda Barcelona ay ka hari doonto tartanka Champions League, si tartanka uu u yaraado, Barca xili kasta waa koox si xoogan u tartanta, waana koox aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close