“Waxaan Qaladaad badan ku hor sameenay koox aan wax naxariis ah lahayn” – Maurizio Sarri

(England) 11 Feb 2019. Macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka hadlay guuldaradii naxdinta lahayd ee kasoo gaartay Manchester City, kadib markii loogu awood sheegtay 6-0 kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Maurizio Sarri ayaa ciyaarta ka dib la hadlay saxaafada sida caadiga ah wuxuuna ka hadlay guuldradan xanuunka badan ay kala kulmeen kooxda Manchester City:

“Waxaa si doqonimo ah inooga dhashay gool kadib 4-tii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, waxaan khaladaad badan ku hor sameenay koox aan wax naxariis ah lahayn”.

“Ma awoodo inaan wax sharaxaad ah ka bixiyo waxa haatan dhacay, isbuucan waxaan dareemay wax wanaagsan inta lagu jiray tababarka, balse Manchester City waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Waxaan dooneynay inaan cadaadis saarno iyaga bilowga ciyaarta, kahor inta uusan qorshaheena burburinin, kadib goolkii naga dhashay 4-tii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, waxaana u maleynayaa in farqiga weyn ee u dhexeeya labada kooxood uu yahay dhanka cadaadiska”.

“Manchester City si fiican ayay inoo cadaadisay, halka aan awoodi weynay inaan sidaas sameyno, sidoo kale waxaan awoodi weynay inaan jawaab celin fiican bixino, mana aanan awoodin inaan sii wanaajino fursadaheena ciyaarta”.

Intaas kadib Maurizio Sarri ayaa wuxuu ka hadlay sababta uusan u gacan qaadin Pep Guardiola kadib dhamaadka ciyaarta wuxuuna yiri: “Wakhtigaas xaadirka ah ma aanan arkin isaga”.

Ugu dambeyn Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay inuusan wax walwal ah ka qabin suurtagalnimada ah in shaqada kooxda Chelsea laga ceyriyo saacadaha soo socda.

“Mustaqbalkeyga? tag oo weydii kooxda, kaliya waxaan xiligan ka walwalsanahay kooxdeyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close