WAR WAYN: Man United oo go’aansatay Tababaraheeda Rasmiga ah

(Manchester) 11 Feb 2019. Manchester United ayaa go’aansatay tababaraheeda Rasmiga ah maadaama uu Solskjaer si ku meel gaar ah u hayo xilka.

Warsidaha afka dheer ee SunSport ayaa daaha ka rogay in Red Devils ay go’aansatay inay xilka si rasmi ah ugu dhiibto Solskjaer kaa oo adkaaday 10 ka mid ah 11-kii kulan uu kooxda hogaamiyay isla markaan uusan wax guul darro ah la kulmin.

Yeelkeede, warsidaha ayaa inta ku daray inaysan u badneyn in Man United ay shaaciso go’aanka ah inay xilka ku aamintay macalinka reer Norway ka hor suuqa xagaaga.

 Manchester United are happy to keep Ole Gunnar Solskjaer as boss - ending speculation that Tottenham manager Mauricio Pochettino will take over

Man United ayaa baadi goob ugu jirtay macalin wayn sida Mauricio Pochettino, Zidane iyo kuwa kale si ay xilka ugu dhiibaan.

Laakiin iminka baadi goob dambe ma jiro oo milkiilayaasha  Joel iyo Avram Glazer ayaa ku qanacsan in Solskjaer uu yahay ninka ku haboon tababaraha joogtada ee kooxda.

Avram Glazer ayaa ka soo safray Mareykanka si uu u daawado kulankii ay Man United 3-0 sabtidii uga adkaatay Fulham isagoona ciyaarta kaddib la hadlay Solskjaer.

SunSport ayaana sheegeysa in kooxda ay iminka go’aansatay inay xilka ku aaminto halyeygoodii hore, balse uma badna in go’aanka la shaacin doono dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close