“Vinícius Júnior marna kuma xasuusn karo xidigii hore kooxda Real Madrid” – Jorge Valdano

(Real Madrid) 11 Feb 2019. Halyeeyga kooxda Real Madrid Jorge Valdano ayaa ammaanay qaab ciyaareedka ciyaaryahanka da’ada yar ee reer Brazil Vinícius Júnior.

Amaanta Jorge Valdano ee ku aadan Vinícius Júnior ayaa waxay imaaneysaa kadib qaab ciyaarkii wanaagsanaa uu kasoo sameeyay kulamadii lasoo dhaafay uu kasoo muuqday Real Madrid.

Wargeyska “El Mundo Deportivo” ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay halyeeyga Jorge Valdano wuxuuna yiri:

“Vinícius Jr ima xasuusinayo laacibkii hore kooxda Real Madrid ee Bernabéu, sababtoo ah wuxuu ahaa mid kalsooni weyn ku qabay tayadiisa, wuxuuna sidoo kale lasoo muuqday geesinimo iyo awood”.

“Laakiin Vinícius Júnior wuxuu wali inoo tusinayaa awoodiisa ciyaareed xoogaa xoogaa yar, wuxuu haatan qeyb kasoo noqday awoodaha kooxda Real Madrid”.

Si kastaba Vinícius Júnior ayaa ka caawiyay kooxdiisa Real Madrid in ay guul weyn kala soo labato garoonka Wanda Metropolitano, kadib markii ay 3-1 ugu soo awood sheegteen Atlético Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close