Tababare Solskjær oo amaan kala dul dhacay Thomas Tuchel, xili dhinaca kale uu sharaxay waxa laga doonayo kooxdiisa kulanka PSG

(Champions League) 11 Feb 2019. Macalinka reer reer Norway Ole Gunnar Solskjær ayaa sheegay inuu si weyn ula dhacsan yahay shaqada adag uu Thomas Tuchel ka hayo kooxda Paris Saint-Germain.

Hadalka tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka ay kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ku wada ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Kulankan ayaa la ciyaari doonaa habeen dambe ee Talaadada, kaasoo ah lugta koowaad wareega 16-ka tartanka Champions League, wuxuun kulankan ka dhici doonaa garoonka caalamiga ah ee Old Trafford .

Ugu horeyn tababare Solskjær oo ka hadlayay kulanka habeen dambe ee Champions League ayaa wuxuu yiri:

“Thomas Tuchel waa macalin fiican, wuxuu ciyaari karaa 4-3-3 iyo 3-4-3, sidaas darteed ma sameyn karno kulan gaar ah”.

“Waa inaan ogaanaa qaabka ay Manchester United uga hor tagi karto PSG, balse uma maleynayo in kooxo badani ay ku riyaaqeen ku ciyaarista garoonka Old Trafford”.

“Ku guuleysiga tartanka Champions League? waxaan isku dayaynaa ugu horeyn sida aan kaga gudbi lahayn imtixaanka ina horyaala ee ah kooxda Paris Saint-Germain”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close