“Sarri wuxuu Chelsea ka dhigay Arsenal.”.- Wax ka Xun oo aan dhihi lahaa ma jiro

(England) 11 Feb 2019. Maurizio Sarri wuxuu Chelsea u badelay Arsenal, waxaa sidaas yiri Halyeygii hore ee Liverpool ee iminka ciyaaraha faaqida Jamie Carragher.

Blues waxay xalay u ahayd habeen madoow oo in 6-0 looga adkaaday waxaaba u sii dheer in 25-daqiiqo gudahood looga dhaliyay 4-gool.

Chelsea ayaa ku hungowday inay guul gaarto amaba xitaa ay gool dhaliso kulamada ay bannaanka ku soo ciyaartay 2019, oo waxaa dhegta dhiiga u wada dray Tottenham, Arsenal, Bournemouth iyo City oo xalay xasuuqday.

 Jamie Carragher did not hold back in his criticism of Sarri

Daaficii hore ee Liverpool Carragher ayaa si xun u karbaashay Sarri isagoona ku sheegay inuu Chelsea ka dhigay Arsenal oo kale.

“Markaan eego Sarri, waxa ugu xun oo aan dhihi karo waa inuu Chelsea u badelay Arsenal.

“Waa la garaacayaa kulamada waa wayn maxaa yeelay aad ayay u liitaan. Waqtigii hore sidaas laguma dhihi karin Chelsea.”‘.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close