Sarri oo Sharxaad ka bixiyay Sababta uu u diiday Salaanta Guardiola….(Macalinka City oo isna hadlay)

(England) 11 Feb 2019. Manchester City ayaa xalay si xun i ihaaneysatay Chelsea kaddib markii ay uga adkaatay Lix gool iyo waxba.

Sarri ayaa ciyaarta kaddib la arkayay isagoo salaanta la ag maraya Pep Guardiola mar uu gacanta u soo taagay.

Macalinka reer Talyaani oo wareysi bixiyay kaddib dhacdadaan ayaa ka dhawaajiyay inuusan kas u diidin salaanta isla markaana uusanba arkin markii uu Guardiola gacnata u laacayay.

“Waqtigaas uma jeedin Guardiola laakiin sida caadiga ahaydba waan u tagi doonaa oo waan salaami doonaa,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Waxaan doonay inaan aado qolka dhar badelashada waqtigaasna ma arkeyn isaga, wax dhibaato ah nama dhex yaalaan.

Guardiola oo isna hadlay ayaa yiri:

“Waxaan la hadlay Zola (Ku xigeenkiisa), Sarri ima uusan arkeyn, Xiriir fiican ayaa naga dhexeeya, dhibaato malahan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close