RASMI: Ashley Young oo heshiis cusub u kordhiyay kooxda Manchester United

(Manchester) 11 Feb, 2019   Kooxda kubadda cagta Manchester United ee waddanka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay heshiiska u kordhisay Daafeceeda Ashley Young.

Heshiiska Young oo lambarka 18 u xirta Manchester United ayaa waxa uu dhigayaa in uu Old Trafford sii joogi doono illaa 2019/2020.

Young oo 33 jir ah ayaa 17 gool u dhaliyay Manchester United 277 kulan oo uu u dheelay tan iyo markii uu naadigan ku soo biiray 2011, xilligaas oo uu ka soo tagay naadigiisii hore ee Aston Villa.

Ashley waxa uu Manchester United kula guuleystay 5 Koob; Community Shield (2011/2012), Horyaalka Ingiriiska (2012/2013), Emirates FA Cup (2015/2016), Lague Cup iyo UEFA Europa League (2016/2017), waxaana heshiiskiisu ku soo aadayaa xilli MU ay sidan oo kale dhowaan heshiiska u cusbooneysiisay Anthony Martial.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close