RASMI: Aaron Ramsey oo ku biiray Juventus

(Europe) 11 Feb 2019. Juventus ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga qadka dhexe Arsenal ee Aaron Ramsey.

Xiddiga reer Wales ayaa ku soo biiri doona kooxda reer Talyaani marka uu dhammaado kal ciyaareedkan.

Gunners ayaa ku fashilantay inay qandaraas Cusub ka saxiixato Ramsey iyadoona kol hore ogolaatay inuu ka tago kooxda taa oo ka dhigan inuu xagaaga beeca xorta ah ugu biirayo Juve.

Image may contain: 1 person, standing

BBC ayaa sheegtay in Ramsey uu mushaar ahaan u qaadan doono Usbuuciiba adduun dhan 400,000 balse ila wareedyo laga helayo Talyaaniga ayaa tibaaxaya inuu mushaar ahaan u qaadan doono 250,000 oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close