Allegri oo si weyn u falanqeeyay xidigaha Ronaldo iyo Dybala kadib guushii ay ka gaareen Sassuolo

(Juventus) 11 Feb 2019. Macalinka reer Talyaani ee Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay guushii muhiimka ahayd ay kaga gaareen kooxda Sassuolo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Massimiliano Allegri ayaa dhinaca kale sheegay inuu awoodo inuu si wada jir ah u ciyaarsiiyo xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala.

Juventus ayaa gaartay guul muhiim ah ay u qalantay, kadib markii ay 3-0 kaaga adkaatay kooxda Sassuolo.

Tababare Massimiliano Allegri ayaa ciyaarta kadib sida caadiga ah kala hadlay saxaafada guusha ay ka gaareen kooxda Sassuolo.

“Waxaan qaadaneynaa qaab ciyaareed wanaagsan marka ay si wada jir ah u ciyaarayaan Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala, labada ciyaaryahan waxay isku fahmayaan si cad”.

“Dybala wuu ka duwan yahay Cristiano marka loo eego astaamaha, way wada ciyaari karaan, qof walba wuxuu u baahan yahay ka garab ciyaaristiisa”.

“Mario Mandžukić wuxuu faa’iido u leeyahay Dybala iyo Ronaldo, sidoo kale Miralem Pjanić wuxuu u baahan yahay Blaise Matuidi”.

“Waxaan ciyaartan ku bilaabanay qaab qaldan, balse ugu dambeyntii Szczęsny ayaa sameeyay badbaadino badan, ugu dambeyntiina waan guuleysanay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close