“Waxaad u ekaatay DIIN DIIN Dahaarka/Qolofka laga qaaday”.- Maxamed Saalax oo GARKA iska Xiiray!!!..+SAWIRRO

(England) 10 Feb 2019. Maxamed Saalax ayaa ka yaabsaday Saaxiibadiisa kooxda iyo taageerayaasha kaddib markii uu garka iska xiiray.
26-jirka reer Masar ayaa boggiisa Instagram saakay soo dhigay muuqaalkiisa Cusub.
Kabtanka Reds Jordan Henderson ayaa ka helay Muuqaalka Cusub ee Saalax halka Dejan Lovren uu soo qoray:
“Ok, hadda waan aaminsanahay inaad 26-sano jir ahay.”.
Xiddiga reer Engalnd ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa isna soo yiri:
“Sabab??”.
Taageerayaasha oo iyana baraha bulshada ku soo yaacay ayaa wuxuu midkood soo qoray:
“Maxamed Saalax oo Gar la’aan ah waa sida Diin Diin Qolof la’aan ah.”.
EEG SAWIRKA:
Gool FM.