Valverde oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka Caawa ee Athletic Bilbao

(Barcelona) 10 Feb 2019. Tababare Ernesto Valverde ayaa daaha ka rogay liiska xidigaha kooxda Barcelona ee kaga qeyb galaya kulanka adag ay caawa booqan doonaan kooxda Athletic Bilbao, kaasoo ka tirsaneyd kulamada 23-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka La Liga.

Ousmane Dembélé ayaa helay warqada ogolaanshaha dhakhtarka si uu kaga qeyb galo kulankan, waana sababta uu kaga soo muuqday liiska xidigaha kooxda Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka caawa.

Sidoo kale liiskan waxaa ku soo baxay Messi oo la shaki galinayay inuu ka maqnaanayo, sababa la xiriira inuusan si buuxda diyaar ugu ahayn, gaar ahaan kadib markii uu seegay tababarkii kooxda ee Jimcihii lasoo dhaafay.

Hadaba xidigaha liiskan ku soo baxay si ay kaga qeyb galaan kulanka caawa ee Athletic Bilbao ayaa kala ah:

Ter Stegen, Iñaki Peña, Semedo, Piqué, Lenglet, Jordi Alba, Jeison Murillo, Sergi Roberto, Rakitic, Busquets, Coutinho, Malcom, Suarez, Messi, Prince Boateng, Arturo Vidal, Vermaelen, Carles Aleñá, Juan Miranda.

Dy_GEE4X0AIliZK

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close