Manchester City oo la wareegtay hogaanka Premier League, kadib markii ay si xun u xasuuqday kooxda Chelsea + SAWIRO

(Premier League) 10 Feb, 2019 Kooxda Manchester city ayaa gumaad ku u geysatay kooxda reer londone ee Chelsea ka dib ciyaar ku soo dhamaatay 6-0 oo ka tirsaneed horyaalka premier league ..

Wixii ka dhacay garoonka Ehihad ayaan qoomamao loo heyn xili taageerayaasha Chelsea dareenkooda uu noqday afkiibaa juuqda gabay iyo eed qoofkii loo tiirin lahaa la ogeen madaama ay u ciyaareen safkooda koowaad ee kooxda .

Man City oo aragti dheer ku ciyaareysay iyo feejignana aad u fog ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u wanaagsan iyaga oo kulankii micnaha wey ku xambaarsana ku soo gaba gabeey qeebta koowaad ee ciyaarta ka dib markii ay la yimaadeen 4 gool qeebtii koowaad ee ciyaartaba .

Goolasha afarta ah ee ay dhaliyeen city waxaa kala qeebsaday Sterling ,Aguero oo labo jeer shabaqa gaaray iyo xidiga reer Germany ee Gundogan.

Ciyaartoyda Chelsea oo la fajacan jabka soo gaaray ayaa ku xarooday qolka labiska si ay u soo qataan talooyin wax ku ool ah iyo halka ay dabacsanaatu ay ka heysato .

Nasiino ka dib waxaa dib loo anba qaaday ciyaarta wiilsha macalin Pep ayaana halkooda ka sii watay dadaalkooda iyaga oona durba helay goolkii shanaad waxaana u dhaliyey weeraryahankooda reer Argentin ee Aguero oo dhaliyey gool rigooro ah .

Sergio Agüero ayaa hada dhalinaya marar badan goolasha loo yaqaano sedexleyda isaga oona barajeyey halyeyga premier league ee Alan Shearer waxa ayna labadoodu ay ka sinaan doonaan 11-mar oo ay dhaliyeen goolasha loo yaqaan sedexley .

Chelsea marna ma sameen soo kabasho saas oo ay tahay ushii city ma joogsan oo waxaa dhashay goolkii lixaad waxaana dhaliyey xidiga xawaaraha badan ee reer Englad ee Sterling kaas geesi ah kulamda waaween .

Waa markii ugu horeysay ee Chelsea laga dhaliyo tiro lix gool taariikhda kulan premier league ah , waxa ayna lumisay booskeeda afaraad oo ay hadda ku naalooneyso kooda Manchester united .

Ciyaarta ayaana ku idlaatay 6-0 city ayaana markale la wareegtay hogaanka horyaalka premier league wallow kulan dheeri ah ay ciyaartay .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close