Luka Modric oo 2-daqiiqo Canaan ku waday Vinicius kulankii Xalay ay ka adkaadeen Ateltico Madrid….(Muxuu ku maagay??)

(Madrid) 10 Feb 2019. Kubbad uu lumiyay Vinicius ayaa sababtay in Antoine Griezmann uu ciyaarta ka dhigo 1-1 ka hor inta aysan Real Madrid la imaan labo gool oo kale taa oo aad uga cereysiisay Luka Modric oo canaan kala dul dhacay da’yarka reer Brazil.

Kabtanka xulka Croatia ayaa la arkayay inuu si kal iyo laab ah uga xumaaday goolka isagoona qeylo meel fog uga soo bilaabay Vinicius, una tilmaamay inuu si dhaqsi leh kubbada ku baaso oo uusan ku dhaganaan.

Modric ayaa ku dhawaad labo daqiiqo canaan ku waday da’yarka maadaama waqtigaa lagu wada mashquulsanaa aalada VAR si loo xaqiijiyo goolkii laga dhaliyay Madrid.

Vinicius  ayaana dhagaha ku shubtay canaanta kaga timid xiddiga No.10 u xirto kooxda isagoon wax fal celin ah sameyn waxaase ka soo gaaray Karim Benzema oo dajiyay Modric una sheegay inay intaa ku filan tahay da’yarka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close