Real Madrid oo muddo kaddib soo xiratay kaalinta 2-aad kaddib guul wayn ay ka gaartay Dariskeeda Atletico….+SAWIRRO

(Spain ) 09 Feb 2019. Kooxda Real madriid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda ay caasimada ku col tamaan ee Atletico Madriid ciyaar ku soo dhamaatay 1-3 .

Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xiiso badan marka la eego bandhigii qurxoonaa ee labada koox ay soo bandhigeen , qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaana lakula maraya 1-1 .

Real madriid ayaa la horeysay goolka waxaana u dhaliyey qadkooda dhexe reer Barazil ee Casemiro kaas oo dhaliyey gool qalmo rogod ah oo aad u qurux badnaa , balse inta aan la aadin qeebtii dambe ee ciyaar Griezmann daqiiqadii 25aad kooxdiisa u keenay goolka bar baraha .

Nasiino ka dib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta , Real Madrid ayaana heshay goolkii labaad oo ahaa mid rigooro ah waxaana u dhaliyey kabtankooda Ramos .

Xidiga xawaaraha dheereeya ee Bale oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa dhaliyey goolka sedexaad , goolkaas ayaan dilay rajo kasto oo ay Ateltico ka qabtay in ay ciyaarta garba siman ka dhigaan .

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-3 oo ay guusha ku gaartay kooxda Real madriid waxa ayna la wareegeen booska labaad liiska kala sareenta horyaalka La liga .

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close