Pep Guardiola oo Been uu sheegay Benjamin Mendy Darteed u sameysanaya Instagram si uu….

(England) 09 Feb 2019. Tababare Pep Guardiola ayaa aad u yaabay kaddib markii uu ogaaday in Daaficiisa Benjamin Mendy uu ku sugan yahay Hong Kong xilli uu markii hore u sheegay inuu u safrayo Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Mendy oo horey looga digay Isticmaalkiisa badan ee Baraha Bulshada ayaa misane soo dhigay Sawir isagoo Taxi saaran isla markaana soo raaciyay “Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga Hong Kong.

Guardiola oo 24-jirka ku ogaa inuu u safrayo Paris ayaa mar uu si live ah ugu jiray shirka jaraa’id ee ka horreeya kulanka Manchester City iyo Chelsea loo sheegay in laacibka uu ku sii jeedo Hong Kong wuxuuna yiri:

 Mendy posted an Instagram Story tagged at Hong Kong International Airport

“Woow, ma aanan ogeyn midaa, wuxuu ii sheegay inuu aadayo Paris balse Hong Kong aad bey u fog tahay.

“Waxaan u baahanahay inaan Taleefankeyga ku soo degsado Instagram si aan ula xisaabtamo ciyaartoydeeda waayo ma garanayo halka ay jiraan.

“Shalay wuxuu joogay Barcelona, Hubaashii caadi ma noqon doonto haddii uu ku sugan yahay Hong Kong.”

Benjamin Mendy oo Baraha bulshada ka arkay in Tababarihiisa uu ka carooday safarka laga sheegay ee Hong Kong aya durba soo jawaabay isagoona sheegay inuu kaftan ahaan uun u soo dhigay Sawirka oo uusan joogin Hong Kong.

“kkkkkkk, waxaan la kaftamayay uun Darawalka Uber (Taxi) keyga, Pep Guardiola aniga dhibaato ma rabo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close