Liverpool oo dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka ka dib guul raaxo leh oo ay ka gaareen Bournemouth….+SAWIRRO

(England) 09 Feb 2019. Kooxda liverpool ayaa dib ugu soo laabtay hogaanka horyaalka premier league ka dib guul ay ka gaareen kooda Bournemouth ciyaar ku soo dhamaatay 3 gool iyo waxba .

Liverpool oo aan guuleysan labdii kulan ee hore ayaa ku ciil baxday kooxda Bournemouth , qeebtii koowaad ee kulankaba ayaa lagu nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda Liverpool .

Mane ayaa daah furay goolka koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 24-aad kubad uu caawinteeda laha Milner oo ka ciyaarayey difaaca midig .

Xidiga khadka dhexe ee Wijnaldum ayaa dhaliyey gool il qabad leh oo uu ka soo shaqeeyey xidiga xaawaraha badana ee Robertson taas oo ciyaarta ka dhigtay in liverpool hogaanka ay ku qabato 2-0 .

Nasiino ka dib waxaa dib la isagu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta liverpool ayaan sii dheereesatay hogaanka ciyaar ka dib gool uu dhaliyey M. Salah waxana caawinteeda laha Firmino.

Salah ayaa ka baxay baahidii gool ee heysatay mana dhicin in liverpool uu sidex kulan u ciyaaro uusan gool dhalin waxaa kale oo habeen wanagsan u tahay Mane oo dhalinaya gool afar kulan oo xiriir ah .

Reds ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib kooxda Man city oo dhawaan la wareegtay waxaan un xusid mudan in city ay la ciyaarayan kooxda Bules berito oo Axada ah .

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close