Arsenal oo dib ugu soo laabtay wadada guusha…+SAWIRRO

(England) 09 Feb 2019. Kooxda Arsenal ayaa dhagta dhiiga u dartay dhigeeda kooxda Huddersfield Town waliba iyada oo marti ah waxa ayna ka adkaadeen 1-2.

Ciyaartoyda kooxda Arsenal ayaa ku ciyaarayey qaab dhiranan ah iyaga oona iska masaxay ceebtii ka soo gaartay kooxda Manchester city oo todobaadkii hore ka adkaatay .

Labo gool oo ay kala dhaliyeen xidigaha kala ah Iwobi iyo Lacazette ayaa lagu kala nastay qeebtii koowaad ee ciyaarta oo aad u xiiso badneed .

Ciyaartoyda labada dhinac ayaa u huleelay qolka labiska si ay usoo qataan waqti nasiino iyo talo soo jeedin macalimiintooda ah , waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Huddersfield ayaa sameysay isku dayo badan oo ay ku dooneysay in ay isaga soo aargudo labada gool ee shabaqeeda ka dhashay qeebtii koowaad ee ciyaarta balse daqiiqadihii ugu dambeyey gool kama ah oo iska dhaliyey dafac Arsenal Sead kolosanac ayey ciyarta isu badashay 2-1 .

Arsenal ayaa dib ugu soo laabtay wada guusha xili xifaaltan adag uu ka dhex jiro kooxaha u tartamaya afarta kaalin ee sare waloow united aya caawa ku raaxeysaneyso booska afaraad .

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close