Waa sidee rikoorka Mohamed Salah ee kulamada uu wajahay Kooxda Bournemouth ka hor kulanka berri ee Premier League?

(Liverpool) 08 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa marti gelinaysa naadiga Bournemouth berri oo Sabti ah kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Reds ayaa doonaysa inay kulanka berri ee Bournemouth ay soo gabagabayso labo kulan oo ay guul la’aan tahay horyaalka Premier League.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa dhibco lumisay labadii kulan ee ay horyaalka ku wajahday kooxaha Leicester City iyo West Ham United, kooxda Merseyside-ka ayaana cadaadis xoggan kala kulmaysa Manchester City.

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareed kale oo guul leh qaadanaya, laakiin laacibka reer Egypt ayaa kaliya dhaliyey saddex gool lixdii kulan ee ugu dambeeyey tartammada oo dhan.

Dhaliyaha xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kooxda Bournemouth ka hortagay guud ahaan 3 kulan, waxaana uu guul ka helay saddex kulanba oo wax guuldarro iyo barbaro ah kalama kulmin, waxa uu ka dhaliyey 5 gool, isagoo aan wax gool ah ku dhiibin.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa bandhigga uu sameeyey kulamadii la soo dhaafay marka uu Mohamed Salah ka hor tagay kooxda Bournemouth.

RIKOORKA MOHAMED SALAH  EE KOOXDA BOURNEMOUTH:-

Kulamada: 3-kulan

Guulaha: 3-kulan

Barbaraha: 0-kulan

Guuldarada: 0-kulan

Goolasha: 5-gool

Caawinta: 0-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close