RASMI: Ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta goolka bisha Janaayo ee Premier League oo la shaaciyey… + SAWIRRO

(England) 08 Feb 2019. Waxaa la shaaciyey ciyaaryananka ku guuleystay abaal-marinta laacibka dhaliyey goolkiisii ugu quruxda badnaa horyaalka Premier League bishii la soo dhaafay ee Janaayo.

Maamulka horyaalka Premier League oo kaashanaya Carling ayaa xaqiijiyey in xiddiga kooxda Fulham ee Andre Schuerrle uu ku guuleystay abaal-marinta goolka bishii Janaayo ee horyaalka Ingiriiska.

Laacibkii hore ee Chelsea, Andre Schuerrle ayaa abaal-marintan ku muteystay goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyey kooxda Burnley bishii hore.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close