Meydka Sala oo ugu dambeyn la helay…..(Kubbada Cagta adduunka oo ka wada Tacsiyeesay)

(Europe) 08 Feb 2019. Waxaa ugu dambeyn la xaqiijiyay inuu Geeriyooday Emiliano Sala kaddib markii la soo helay Meydkiisa.

Meydka ayaa Arbacadii laga dhex helay dayuuradii yareyd taa oo laga soo saaray biyaha hoose ee badda Woqooyinka Guernsey, kaddib labo usbuuc oo la waysanaa.

Yeelkeede, waxaa weli la la’yahay Duuliyihii Dayuurada David Ibbotson.

Dayuurada nuuceedu ahayd Piper Malibu N264DB ayaa la waayay 21-kii Janaayo mar ay ka soo socotay Nantes kuna soo jeeday Cardiff, si uu laacibka 15-milyan ugu soo biiro kooxdiisa Cusub ee Premier League.

Image result for SALA DEAD Emiliano Sala confirmed dead in plane crash as Cardiff City striker’s heartbroken family say ‘your soul will shine forever’

Markii hore waa la iska joojiyay baaritaanada, balse ciyaartoy oo uu ka mid yahay Lionel Messi ayaa u istaagay oo iska soo ururiyay lacago ilaa 300,000 si baaritaano gaar ah loogu sameeyo taa oo ugu dambeyn lagu guuleystay in lagu soo helo Meydka xiddiga.

Adduunka Kubbada Cagta ayaa Tacsi ka wada diray arinkan dhaxdinta leh:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close