“Ma jiro wax ka muhiimsan ku guuleysiga horyaalka Premier League” – Klopp

(Liverpool) 08 Feb 2019. Macalinka kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay kahor kulanka ay bari la ciyaari doonaan kooxda Bournemouth in horyaalka Premier League uu yahay ujeedka koowaad ee Reds.

Liverpool ayaa lumisay hogaanka horyaalka Premier League, kadib markii ay dhawaan la wareegtay kooxda Manchester City, sababa la xiriira natiijooyinka xun ay la kulmeen xiliyadii lasoo dhaafay.

Klopp ayaa sheegay kahor kulanka bari ee Bournemouth ee ka tirsan kulamada 26-aad ee horyaalka Premier League ayaa wuxuu yiri:

“Horyaalka Premier League wuxuu noqday mid aad u xiiso badan, dhamaadkana waxay noqon doontaa mid aad u adag, balse sida ay ila tahay diyaar ayaan u nahay”.

“Waxaan diyaar u nahay inaan wax walba iska nadiifino, si aan ugu guuleysano Premier League, cidna kama dooneyno inay na caawiso”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close