Jeenyo oo saddexda dhibcood kaga qaadatay Muqdisho City kulankoodii ugu horeeyay horyaalka Somali Premier League

(Soomaaliya) 08 Feb 2019. Kooxda ayaa gaartay guul muhiim ah kulankeedii ugu horeeyay Horyaalka Somali Premier League, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay wiilsha Muqdisho City Club.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0, kadib markii ay labada kooxood awoodi waayeen in wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Kadib markii ay labad kooxood dib isugu soo laabteen qeybta labaad ee ciyaarta waxay labada kooxood sameeyeen isku dayo ay hogaanka ugu qaban lahaayeen ciyaarta midba midka kale.

Laakiin kooxda jeenyo ayaa la timid ugu dambeyntii goolka qura ee kulankan ka dhashay, waxaana u dhaliyay laacibkooda saciid mata.

Tababare Axmed Tahliil ayaa helay saddexdii dhibcood ugu horeysay horyaalka xili ay iminka jeenyo ay hogaanka horyaalka ku heeso 2 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close