Hordhaca: Jeenyo Vs Muqdisho City

(Soomaaliya) 08 Feb 2019. Horyaalka Somali Premier League ayaa shalay si xiiso leh uga furmay garoonka Banadir Stadium, waxaana lagu wadaa in galabtana la ciyaari kulan kaloo aad u xiiso badan.

Kooxaha Jeenyo iyo Muqdisho City oo si weyn ugu dagaalama kubad cagta dalkeena soomaaliya ayaa galabta isku wajihi doona Banadir Stadium.

Kooxda Muqdisho City ayaa awal loo yaqaanay Banaadir SC, balse dhawaan ayaa laga badalay magacaasi, waxaana haatan ay tartamada kala duwan kaga qeyb gashaa magaca Muqdisho City

Labadaan kooxood waa kuwa ugu taageraha badan horyaalka Somali Premier League taasoo keenta in maalinta ay dhelayaan uu garoonka noqdo mid aad u xamaasadeysan.

Kooxda Muqdisho City ayaa lagaga soo guulaystay koobka Super Cupka kadib markii ay wajahday kooxda Dekadda.

Muqdisho City waxaa dhaawac kaga maqan kulankan goolhaye Siciid kaas oo dhaawac kasoo gaaray gacanta.

kulankooda ugu horeeya ee horyaalka Somali Premier League ayay galabta la ciyaari doonaan kooxda Jeenyo.

Jeenyo ayaa dhanekeda rajayneesa inay guul ku daah furato horyaalka oo sanadkaan xiiso gaar ah leh.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Horyaalka: Somali Premier League

Kulanka : Muqdisho City Vs Jeenyo

Garoonka : Banadir Stadium

Saacada 03:30.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close