Guardiola oo ugu dambeyntii ka jawaab celiyay sababta uu isaga indha-tiray Real Madrid

(Manchester) 08 Feb 2019. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa iska indha-tiray Real Madrid kadib markii uu doortay saddexda koox ee aduunka ugu fiican.

Wargeyska “Sport” ayaa daabcay wareysi uu dhawaan bixiyay macalinka reer Catalonia ee Pep Guardiola wuxuuna yiri:

“Waxaan ugu horeyn kaga mahad celinayaa Maurizio Sarri in uu Manchester City ku tilmaamay kooxda yurub ugu fiican, balse tani uma fiicna taageerayaasha Real Madrid ee aniga iga careysan”.

“Laakiin Real Madrid ma ahan kuwa ugu fiicanaa 10-kiii sano ee lasoo dhaafay, marka la eego qiimeynta horyaalka iyo Copa del Rey”.

“Kooxaha sida Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich ayaa ku guuleystay 6 ama 7 horyaal, halka Real Madrid ay ku guuleysatay laba jeer oo kaliya”.

“Waxaan qabaa in hada Solari uu si fiican u fahmi doono jawaabteyda, kadib xulashadeydii ku aadaneyd saddexda kooxood ee aduunka ugu fiican mudada 10-kii sano ee la soo dhaafay”.

Guardiola ayaa u doortay Juventus, Barcelona iyo Bayern Munich kooxaha ugu fiicanaa Yurub mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kahor inta uusan tababaraha Real Madrid Santiago Solari kaga jawaab celinin in Guardiola uu si ula kac ah isaga indho tiray Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close