DEG DEG: Ugu yaraan 10 ruux oo ku geeriyootay dab ka kacay xerada tababarka koox caan ah

(Yurub) 08 Feb 2019. War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in ugu yaaraan 10 ruux ay ku geeriyootay dab ka kacay xerada tababarka kooxda Flamengo, Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Sida uu warinayo Adam Forrest oo ka tirsan The Independent dab damiyeyaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu yaraan ay dabkaas ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

Dabka ayaa burburiyey qeybo ka mid ah xerada tababarka kooxda Flamengo subaxnimadii Saakay oo Jimce ah, waxaana lagu guuleystay in la damiyo kaddib labo saacadood oo uu socday.

BBC News ayaa sidoo kale shaacisay in dhibbanayaasha qaarkood aan weli la aqoonsan, laakiin jardiinooyinka ay isticmaalaan ciyaartooy dhallinyarrada ah ee da’doodu u dhaxayso 14 iyo 17 ayaa burburay halka ciyaartoydu ay markaa hurdayeen.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Brazil qaarkood sida G1 ayaa daabacay sawir muujinaya burburka dabku uu geystay.

Kooxda Flamengo oo ku guuleysatay shan jeer horyaalka dalka Brazil ayaa berri oo Sabti ah afar dhammaadka tartanka Taca Guanabara ku wajahaysa naadiga Fluminense.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close