“Xor ayaan u ahay inaan sameeyo waxaan doono.”

(Yurub) 07 Feb 2019. Weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Juventus ee Douglas Costa ayaa ka baxay aamusnaanta, si uu kaga hadlo dhaleeceynta uu la kulmay dhawaanahan sababa la xiriir hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Lakiin fal uu sameeyay Douglas Costa ayaa muran xoogan iyo murugo dhaliyay kaasoo ku aadan meel ka baxsan gudaha garoonka.

Douglas Costa ayaa muran xoogan dhaliyay Talaadadii lasoo dhaafay, kadib markii uu galay shil gaari, isagoo aanan wax dhaawac ah soo gaarin, kadib safar saacado qaatay ayuu ku gaaray dalka France, si uu uga qeyb galo xafladda dhalashada xidiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Costa ayaa kadib kala kulmay dhaleeceyn xoogan jamaahiirta kooxda Juventus, kuwaasoo  u arkay inuu si qaldan u dhaqmay, waxayna sidoo kale barta Twitter-ka si weyn kaga haleen arimo ku saabsan bal hadii uu xidiga reer Brazil weydiistay maamulka kooxda inuu u safrayo dalka France iyo inkale.

Balse Douglas Costa ayaa kaga jawaab celiyay weerarka jamaahiirta kooxda Juventus boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuuna yiri:

“Sidaas ma aysan ahayn, waxay lahayn maalin fasax ah, sidaas darteed xor ayaan u ahay inaan sameeyo waxaan doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close