RASMI: Tottenham oo xaqiijisay garoonka ay bisha Maarso ku soo dhoweynayso Arsenal… (Miyaa lagu ciyaarayaa garoonka cusub ee Spurs?)

(London) 07 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa xaqiijisay garoonka ay horraanta bisha Maarso ku qaabili doonto naadiga Arsenal, waxaana ay shaacisay in garoonkeeda cusub uusan weli diyaar ahayn.

Tottenham ayaa kulankeeda horyaalka Premier League oo ay soo dhoweyn doonto naadiga ay ku xafiiltamaan Magaalada London ee Arsenal shaacisay inay ku wajahayso garoonka Wembley 02 bisha Maarso ee soo aaddan.

Spurs ayaa sidoo kale warbixinta ay maanta soo saartay ku sheegtay inay sugi doonto weli inay u guurto garoonkeeda cusub.

Kooxda Tottenham ayaa dhowr kulan ku dheeshay garoonka qaranka Ingiriiska ee Wembley, maadaama garoonkeeda uu dhismo ku socdo.

Guddoomiyaha naadiga ee Daniel Levy ayaa warbixin uu soo saaray oo lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Spurs shaaca kaga qaaday inay dib ka eegi doonaan u guuritaankooda garoonka uu dib u dhisku ka socdo ee White Hart Lane.

Waxaa kale oo warbixinta lagu xaqiijiyey in kulanka ay soo dhoweynayaan Gunners horraanta bisha soo socota ee Maarso lagu ciyaari doonto garoonka Wembley.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close