Marcus Rashford oo ku guulaystay abaal-marinta xiddiga bisha ee kooxda Manchester United & Aktar caan ah oo guddoonsiiyey… + SAWIRRO

(Manchester) 07 Feb 2019. Weeraryan Marcus Rashford ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryananka bisha Janaayo ee kooxda Manchester United kaddib bandhig aan caadi ahayn oo uu sameeyey bishii hore.

Rashford ayaa goolal cajiib ah u dhaliyey kooxda ku ciyaarta Old Trafford bishii la soo dhaafay taasoo uu ku kasbaday in loo gacan geliyo abaal-marinta laacibka bisha Janaayo ee kooxda Manchester United.

John Bradley oo ah taageere Manchester United ah sidoo kale qeyb ka ahaa oo wax ka jilay filimka Game of Thrones ayaa abaal-marintan u gacan geliyey xiddiga xulka qaranka England ee Rashford.

Waxa uu maanta oo Khamiis ah aktarka John Bradley soo booqday xerada tababarka kooxda uu taageeraha u yahay ee Carrington training, halkaasoo uu Rashford ku guddoosiiyey abaal-marinta laacibka bisha.

Barta Instagram-ka kooxda Man United ayaa la soo dhigay sawir ay ku wada jiraan Rashford iyo Bradley oo kor u wada hayaan abaal-marinta, waxaana la soo raaciyey qoraal u dhignaa: “Darbiga Manchester.

“Waa wax weyn inaan haysanno John Bradley oo goob joog ka ah Marcus Rashford abaal-marintiisa Manchester United ee POTM.”

Rashford ayaa dhaliyey bishii la soo dhaafay ee Janaayo saddex gool, sidoo kale waxa uu shabaqa gaarsiiyey shan gool lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray horyaalka Premier League.

Dhinaca kale xiddigaha, macallinka iyo maamulka kooxda Manchester United ayaa si weyn xerada Carrington maanta ugu soo dhoweeyey aktarka John Bradley, halkaasoo ay sawirro badan ku wada galeen.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close