Marcus Rashford oo doonayey inuu ka tago Manchester United & Kooxda uu ku biiri lahaa oo la ogaaday

(Manchester) 07 Feb 2019. Sida wararku ay sheegayaan Marcus Rashford ayaa doonayey inuu ka tago Manchester United, waxaana shaaca laga qaaday kooxda u ku biiri lahaa.

Rashford ayaa qorsheynayey inuu ka dhaqaaqo kooxda Manchester United ka hor inta aan la cayrin Macallin Jose Mourinho.

Waxa uu Rashford doonayey inuu ka tago Man Utd oo uu ku biiro naadiga Real Madrid ee dalka Spain, haddii uu Jose Mourinho macallin ka sii ahaan lahaa garoonka Old Trafford.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in xiddiga xulka qaranka England kaasoo heshiiskiisa uu ku eg yahay xagaaga 2020-ka uu doonayey inuu u dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabeu.

Yeelkeede, markii la cayriyey Macallin Mourinho hadda waxa ay Red Devils u soo bandhigtay heshiis cusub, iyadoo sidoo kale kooxdu miiska u saartay mushahar dhan 200,000 oo gini todobaadkii.

Rashford ayaa iminka bandhig aan caadi ahayn ku sameynaya ka hoos ciyaaridda macallin Ole, waxayna u muuqataa mar haddii uu tagay Mourinho inuu heshiis cusub qalinka ugu duugi doono kooxda Man Utd.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close