Kadib kulankii xalay ee El Clasico, Sergio Ramos oo u hanjabay kooxda Barcelona

(Copa del Rey) 07 Feb 2019. Daafaca reer Spain ahna kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa rajeynaya in kulanka lugta labaad wareega 4-ta Copa dal Rey ee ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu ay kaga soo bixi doonaan finalka tartankan.

Kooxda Real Madrid ayaa barbaro 1-1 ah kula soo gashay Barcelona kulankii lugta koowaad ee wareega 4-ta tartanka Copa del Rey ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Cump Nou.

Kadib barbarihii kulankii xalay ka dhacay garoonka Cump Nou El Clasico, Ramos ayaa wuxuu boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray fariin uu ku xaqiijinayo in Santiago Bernabeu uu noqon doono furaha finalka.

“Waxqabadka dhabta ah ee xoogan ee kooxda, Santiago Bernabeu wuxuu noqon doono furaha finalka”.

Kulanka lugta labaad ee wareega 4-ta tartanka Copa del Rey ayay kooxda Real Madrid ku marti galin doontaa Barcelona garoonkeeda Santiago Bernabeu 27-ka bishan, kooxda soo adkaatana waxay finalka ku wajihi doontaa midkood Valencia ama Real Betis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close