Jose Mourinho oo dhawaan la filayo inuu ku soo laabto shaqada Tababaranimo…. (Haddaba EEG Shax laga sameeyay Xiddigihii ugu waa waynaa uu soo leyliyay)

(Yurub) 07 Feb 2019. Macallin Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu dhawaan dib ugu soo laabto shaqada tababarennimo kaddib markii uu ka tagay kooxda Manchester United.

Mourinho ayaa soo layliyey kooxo sare 15-kii sanadood ee ugu dambeeyey, waxaana uu soo hoggaamiyey kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Manchester United.

Macallinkii hore ee Manchester United, Jose Mourinho ayaa ku sugan Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga isagoona maanta la kulmaya agaasimaha kooxda Inter ee Beppe Marotta.

Davide Russo de Cerame ee ka howl gala TeleLombardia ayaa sheekadan daaha ka roga isagoona soo jeediyay in Mourinho uu qaban karo xilka kooxda Inter kal ciyaareedka soo socda.

Haddii ay dhacdo midaa waxay noqon doontaa markii labaad ee uu macalinka reer Portugal ku soo laabto garoonka San Siro oo saddexleey koob uu ku qaaday sanadkii 2010-kii, (Champions League, Serie A iyo Coppa Italia).

Intaa kaddib wuxuu kaga biiray Real Madrid, dabadeed Chelsea waxaana ugu dambeysay Manchester United oo laga soo ceyriyay bishii December ee sanadkii hore.

Tababaraha reer Portugal oo ah macallin guulo u saaxiib ah ayaa ku guuleystay horyaallada England, Spain, Italy iyo Portugal, sidoo kale waxa uu qaaday Champions League iyo Europa League.

Haddaba ciyaartoydii waa weyneed ee uu soo layliyey macallin Jose Mourinho ayaa laga sameeyey shaxdii ugu fiicneyd abid ama 11-kii laacib ee ugu wanaagsanaa.

HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Goolhaye: David De Gea

Garab difaac midig: Maicon

Difaac dhexe:  Ricardo Carvalho

Difaac dhexe: John Terry

Garab difaac bidix: Ashley Cole

QADKA DHEXE:

Khad dhexe: Frank Lampard

Khad dhexe: Claude Makelele

Khad dhexe: Kaka

Related image

WEERARKA:

Garab weerar midig: Cristiano Ronaldo

Garab weerar bidix: Eden Hazard

Weeraryahan: Didier Drogba

SHAXDA: 4-3-3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close