Jose Mourinho iyo Inter Milan oo Maanta wada fadhiisanaya

(Milano) 07 Feb 2019. Jose Mourinho ayaa ku sugan Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga isagoona maanta la kulmaya agaasimaha Inter ee Beppe Marotta.

Davide Russo de Cerame ee ka howl gala TeleLombardia ayaa sheekadan daaha ka roga isagoona soo jeediyay in Mourinho uu qaban karo xilka Inter kal ciyaareedka soo socda.

Haddii ay dhacdo midaa waxay noqon doontaa markii labaad uu macalinka reer Portugal ku soo laabto San Siro, oo Saddex koob ayuu la qaaday sanadkii 2010 Champions League, Serie A iyo Coppa Italia.

Intaa kaddib wuxuu kaga biiray Real Madrid, dabadeed Chelsea waxaana ugu dambeysay Manchester United oo laga soo ceyriyay bishii December.

Jose oo hayay xilka Inter 2008 ilaa 2010 ayaan marna qarin jaceylkuu u qabo kooxda reer Talyaani xitaa haddii sanado badan laga soo wareegay.

Macalinka Iminka ee Nerazzurri Luciano Spallett ayaa waxaa saaran cadaadis xoogan kaddib natiijooyin liita oo ay ka mid tahay guul daradii 1-0 ay mininkooda dhawaan kala kulmeen Bologna ooba khatar ugu jirta inay ku laabato heerka labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close