“Waxaad tahay MUSLIM Xun.”. – Daawo Muuqaal la helay oo lagu Aflagaadeenayo Maxamed Saalax

(England) 06 Feb 2019. Waxaa dhawaan lahelay oo soo ifbaxay Muuqaal lagu aflagaadeenayo xiddiga heysta Diinteena Islaamka ee Maxamed Saalax.

Video-gan foosha xun ee loogu gafay Maxamed iyo Diinta Islaamka ayaa laga soo duubay ciyaartii dhaweyd ay Liverpool bar-baraha 1-1 la dhaafi waysay West Ham.

26-jirka ayaa soo tuurayay Gees ka laad marka ay dhagihiisu ku dhacayeen aflagaadada, qof ayaana Mopile ka duubay sheekadan inkastoo uusan Muuqaalka ka muuqaneyn shaqsiga Caynaya Maxamed Saalax.

 Salah was targeted as he prepared to take a corner in front of a West Ham section of the ground at the London Stadium

“Saalax Muslimkaagan xun, Waxaad tahay Muslim xun, isaga tag meesha,’ Sidaas ayuu ku qeylinayay Taageeraha u gafay Maxamed iyo waliba Diinteena Suuban.

West Ham ayaa baaritaano xoogan ku heysa dhacdadan iyadoona ka dhawaajisay in garoonkooda aysan meelna uga banaaneyn dhaqamada ceynkan oo kale ah.

Booliska iyo xiriirka FA ga dalka Ingiriiska  ayaa iyana eegi doona arrinkan.

DAAWO aflagaadada loo geystay Maxamed Saalax:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close