Mid ka mid ah halyeeyada kooxda Real Madrid oo si kulul u weeraray Gareth Bale

(Real Madrid) 06 Feb 2019. Laacibkii hore ee kooxda Real Madrid Predrag Mijatović ayaa weerar kulul ku qaaday xidiga reer Weles Gareth Bale, kahor saacado kulanka xiisaha badan ee El Clásico.

Kooxda Barcelona ayaa caawa garoonkeeda Cump Nou ku soo dhaweyn doonta Real Madrid kulanka lugta koowaad wareega 4-ta ee tartanka Copa del Rey.

Image result for Mijatovic and Bale

Halyeeyga Predrag Mijatović ayaa tilmaamay in kulanka caawa ay wada ciyaarayaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay tahay fursadii ugu dambeysay Gareth Bale ee Los Blancos.

“Qof kasta ee halkaan jooga, Real Madrid iyo jamaahiirtaba waxay ka careysan yihiin Gareth Bale, waxay ka niyad jabeen marar badan’.

Si kasyaba dhamaan indhaha taageerayaasha kubadda cagta aduunka, gaar ahaan Spain, ayaa waxay caawa ku xirnaan doonaan garoonka taariikhiga ah ee Cump Nou, kasoo marti galinaya kulanka El Clásico lugta hore wareega 4-ta ee Copa del Rey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close