Kooxda Barcelona oo haddii ay Caawa adkaato kulanka El Clasico barbareyn doonta Real Madrid

(Barcelona) 06 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweyn doonta caawa naadiga Real Madrid kulan ka tirsan Copa del Rey.

Labada kooxood ayaa isku qaban doona kulanka El Clasico gaar ahaan semi-final-ka ama afar dhammaadka Copa del Rey marka ay caawa saacadda geeska Afrika tahay 11:00 Habennimo.

Haddaba haddii ay caawa badiso kooxda Barcelona waxa ay barbareyn doontaa rikoorka guulaha naadiga ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Barca haddii ay caawa guul gaarto kulanka El Clasico waxa ay barbareyn doonaan taariikhda guulaha Real Madrid ee kulankan.

Marka la eeg taariikhda guulaha labada kooxood waxay kulmeen 239 kulan, waxaana guulo badan Real Madrid oo adkaatay 95 kulan, waxaana ay barbaro galeen 50 kulan taariikhdooda.

Barca ayaa dhankeeda adkaatay 94 kulan haddii ay caawa badiso kulanka El Clasico-na waxa ay barbareyn doonaan Los Blancos oo taariikhdeeda kulankan adkaatay 95 kulan.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulankan iska dhaliyey goolal dhan 796 gool guud ahaan kulammada ay iska horyimaadeen labada dhinac.

Si la mid ah dhanka guulaha kooxda Real Madrid ayaa goolal badan kulankan Clasico marka la eego labada kooxood, waxaana Los Blancos ay dhalisay 402 gool, halka Barca ay dhalisay 394 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close