Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo isku mari waayay garoonka Cump Nou + SAWIRO

(Copa del Rey) 07 Feb 2019. Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa is mari waayay, kadib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1, kulanka lugta koowaad wareega 4-ta Copa del Rey ay ku ciyaareen garoonka Cump Nou.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta Lucas Vazquez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna ka dhigay 1-0, kadib caawin uu ka helay Karim Benzema.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay labada kooxood u ciyaarayeen si taxadir ku jira, xili ay Barca ay isku dayaysay inay dhaliso goolka barbaraha.

Daqiiqadii 58-aad da’ayarka reer Brazil ee Malcom ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1.

Jawiga garoonka Cump Nou ayaa noqday mid xamaasadeysan, kadib markii uu badal ciyaarta ku soo galay Lionel Messi.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 oo ay labada kooxood ku kala baxeen, waxaana kulankan lagu go’aamin doonaa kulanka lugta labaad ee ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.

Gool FM.

 

 

 

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close