Wakiilka Ivan Rakitic oo xaqiijiyey haddii laacibku ka tago horyaalka Spain xagaagan

(Barcelona) 05 Feb 2019. Wakiilka ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa meesha ka saaray in xiddigu uu xagaaga ka tago horyaalka dalka Spain ee La Liga.

Wakiilku waxa uu sheegay in aysan suuro-gal ahayn in laacibkan khadka dhexe ee Ivan Rakitic uu ka tago Barcelona xagaagan.

Rakitic ayaa ku raaxaystay heshiis afar sanadood iyo bar ah oo uu ku joogo garoonka Camp Nou, waxaana uu dhaliyey 34 gool 246 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan.

Xiddiga xulka qaranka Croatia ayaan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga, iyadoo la og yahay in heshiiskiisu dhacayo sanadka 2021-ka, laakiin Wakiilka 30-sano jirkaan ayaa soo jeediyey inuusan dookh u haysan laacibku in la iibiyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Arturo Canales oo ah Wakiilka Rakitic ayaa u sheegay La Gazzetta dello Sport: “Waa wax aan macquul ahayn inaan aragno Ivan oo ka tagaya Spain xagaagan.”

Rakitic ayaa la la xiriirinayey bilihii dhowaa kooxo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Inter Milan iyo Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close