Waa sidee rikoorka Gareth Bale kulamada uu wajahay Barcelona ka hor kulanka habeen dambe ee El Clasico?

(Madrid) 05 Feb 2019. Tababare Santiago Solari iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa u safri doona garoonka Camp Nou, halkaasoo ay habeen dambe kula ciyaari doonaan lugta hore ee Semi-finalka Copa del Rey naadiga Barcelona.

Santiago Solari ayaa la filayaa inuu safka hore ku soo bilaabi doono weeraryahanka reer Walesh ee Bale kulanka ay ka horjeedaan naadiga Barcelona ee El Clasico.

Bale waxa uu ka hortagay Barcelona  11 kulan, waxaana kooxda ka dhisan Magaalada Barcelona uu guul ka helay 3-jeer, waxa uu ka dhaliyey 2 gool, isagoo ku dhiibay 1 gool oo kale.

Goolkii quruxda badanaa ee uu Bale ka dhaliyey Barcelona final-kii 2014-kii ayaa ahaa mid ka mid ah labo goo loo kaliya oo uu ka dhaliyey kooxda ka dhisan Camp Nou 11 kulan oo uu ka hortagay.

Bale goolka kale oo uu ka dhaliyey Barcelona ayaa yimid kulankii barbaraha 2-2 ku dhammaaday ee ka dhacay garoonka Camp Nou xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa bandhigga uu sameeyey kulamadii la soo dhaafay marka uu Bale ka hor tagay Barcelona.

RIKOORKA BALE EE BARCELONA:-

Kulamada: 11-kulan

Guulaha: 3-kulan

Barbaraha: 1-kulan

Guuldarada: 7-kulan

Goolasha: 2-gool

Caawinta: 1-gool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close