Paul Pogba walaalkiis oo shaaca ka qaaday in xiddigu doonayey inuu ka tago Manchester United

(Manchester) 05 Feb 2019. Mid ka mid ah wiilasha walaalaha la’ah ciyaaryahanka Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday in laacibka khadka dhexe ee reer France uu dhawaanahan qorsheynayey inuu isaga tago naadiga Manchester United.

Pogba ayaan xiriir wanaagsan la lahayn macallinkii laga cayriyey kooxda Man United ee Jose Mourinho, laakiin wiilka reer France ayaa hadda bandhig aan caadi ahayn ka sameynaya ka hoos ciyaaridda macallinkii Mourinho lagu bedelay ee Ole Gunnar Solskjaer.

Hadal kasta oo ka soo baxaya Old Trafford ayaa soo afjaray, laakiin Mathias Pogba ayaa soo jeediyey in Walaalkii Paul Pogba ay qorshaha ugu jirtay inuu u dhaqaaqo koox kale.

Mathias ayaa u sheegay Telefoot in Pogba ay maskaxdiisa soo gashay inuu baxo isla markaana uu qorsheynayey inuu aado koox kale oo uusan magaceeda sheegin, inkastoo uu haystay heshiis uu kula sii shaqeyn karay Macallin Jose Mourinho.

Pogba ayaa gacan ka gaystay 11 gool, waxa u dhaliyey lix gool, halka uu sameeyey shan caawin inta uu ka hoos shaqeynayo macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close