Mourinho oo lagu xukumay sanad xabsi ah iyo ganaax lacageed kaddib markii lagu eedeeyay canshuur uu khiyaamay

(Madrid) 05 Feb 2019   Maxkamad ku taalla waddanka Spain ayaa maanta xukun sanad xabsi ah ku riday tababaraha Portugal Jose Mourinho oo lagu soo eedeeyay canshuuro uu khiyaamay xilligii uu tababaraha u ahaa Real Madrid.

Tababarihii hore ee Manchester United Mourinho waxa uu aqbalay xukunka sanadka xabsiga ah, iyadoo sidoo kalena lagu xukumay 2 Milyan oo Euro oo ganaax ah.

Sharciga Spain ayaa dhigaya in sanadka xarigga ah uu qofku ka bad baadi karo laakiin taa beddelkeeda waa inuu bixiyaa 182,500 oo Euro, iyadoo sidaana guud ahaan lacagta Maxkamaddu ku xukuntay Mourinho ay noqonayso  2,182,500 oo Euro.

Mourinho oo 56 jir ah ayaa soo tababaray Real Madrid intii u dhexeysay 2010 iyo 2013, waxaana lacagaha canshuuraha ee lagu tuhmayo in uu khiyaamay ay u kala baxaysaa 1.6 milyan oo Euro 2011 iyo 1.7 milyan oo Euro sanadkii 2012 ah.

Xeer ilaaliyeyaasha Spanish-ka ayaa ku eedeeyay Mourinho in xuquuqda sawirradiisa uu u xil saaray shirkado dalka dibaddiisa ah, kuwaas oo la sheegay in ay qariyeen lacagihii u soo xarooday ee ay ahayd in ay canshuurta ka bixiyaan.

Garsoorka waddanka Spain ayaa ciyaartooy badan oo kubadda cagta ah ku soo oogay dacwad la mid ah midda Mourinho ee dhanka canshuuraha, waxaana ka mid ahaa xiddigahaasi lagu soo eedeeyay khiyaanada laacibka Barcelona Lionel Messi iyo xidiggii hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo ee haatan u dheela Juventus.

Waxaa iyana laacibiinta cadaaladda Spanish-ku eedeysay ku jira; ciyaartoygii hore ee Barcelona haatanna u safta kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil Neymar, iyo Xabi Alonso oo isna u soo ciyaaray Real Madrid iyo Bayer Munich kaasoo ciyaaraha ka fariistay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close