Cristiano Ronaldo oo 34 jirsaday iyo kummanaan taageerayaal ah oo…

(Turin) 05 Feb 2019  Laacibka kooxda kubadda cagta Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa maanta 34 sano jirsaday, isagoo u dabaal degaya sanad guurada dhalashadiisa oo ku beegan maanta oo kale.

Ronaldo waxa uu dhashay 05 Febraayo 1985-kii, waxaana ay isku taariikh dhasheen laacibka kale ee reer Brazil ee u dheela kooxda Paris Saint-Germain Neymar Junior  oo isna dhashay 05 Febraayo 1992-kii (waloow Ronaldo uu Neymar ka weyn yahay 7 sanadood).

Kummanaan taageerayaal ah oo u badan kuwa Naadiga Juventus  ayaa farxadda dhalashada la wadaagay xidiggooda xilli ciyaareedkani ku soo biiray ee Cristiano iyagoo u soo diray hambalyo/dhalasho wanaagsan ama (Buon Compleanno).

Boggiisa Instagram ayuu Ronaldo soo dhigay muuqaal video gaaban oo taageerayaashiisa gaar ahaan kuwa deegaanka uu ka soo jeedo ee Madeira, ay ugu hambalyeynayaan sida aad qaybta hoose ka arki kartaan.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close