Xiddiga Juventus Douglas Costa oo shil halis ah galay (Sideey wax u gaareen?)

(Turin) 04 Feb 2019    Laacibka reer Brazil ee garabka weerarka  uga ciyaara kooxda kubadda cagta Juventus ee Talyaaniga ayaa saakay shil halis ah ku galay waddada weyn ee A4 ee dhanka magaallada Torino, meel ku dhow Santhia.

Baabuurkii uu watay Costa oo ahaa Jeep ayaa waxa ay si xun isugu dheceen baabuur yar oo Fiat ah, taasoo keentay in labadii baabuurba burbur xooggan ay soo gaaraan, waxaana Douglas Costa ay jaraa’idyada Talyaanigu qoreen in uu si mucjiso leh uga bad baaday shilkaasi halista ah (vivo per miracolo).

Durbadiiba taraafikada, dab damiska iyo ambalaasta ayaa gaaray goobtii shilku ka dhacay, iyadoo Douglas Costa aan wax dhaawac ah soo gaarin, halka ninkii kale ee watay baabuurkii Fiat-ka ahaa oo 47 jir ahaa uu dhaawacmay Isbitaalkana loola cararay.

Douglas oo taageerayaashiisa Juventus niyadda u dhisaya ayaa soo dhigay sawir uu bad qabo bartiisa Instagram markii shilkaasi dhacay kaddib.

 

View this post on Instagram

 

Hello 😸

A post shared by ⚡️DC11⚡️ (@douglascosta) on


Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close