Haddii aad Ogeyd in Muuqaalka VAR laga isticmaalo Ciyaaraha Caalamka ku darso in Dalkeena SOOMAALIYA laga hirgalin doono….(DAAWO MUUQAAL)

(Muqdisho) 04 Jan 2019. Muuqaalka Caawiyaha Garsooraha ee VAR kaa oo si wayn looga isticmaalay koobkii adduunka 2018 isla markaana iminka ku baahay Ciyaaraha Caalamiga ah ayaa lagu wadaa in Mustaqbalka dhow laga hirgaliyo Ciyaaraha Soomaalida sida uu sheegay Garsooraha heerka Caalami Xasan Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iminkana ah Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobalka Benaadir.

Wiish ayaa sheegay in aaladan casriga ah ay Faa’iido wayn u tahay kooxaha iyo garsoorayaasha intaba, isagoona carabka ku adkeeyay inuu aaminsan yahay in VAR ay goor dhow soo gaari doonto Soomaaliya.

Garsooraha Caalamiga ah ayaa intaa ku daray in xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ay qorsheynayaa inay aalada Casriga ah ku soo kordhiyaan Ciyaaraha Soomaalida.

Waxay noqon doontaa Guul wayn oo u soo hoyatay Soomaaliya haddii VAR laga hirgaliyo Ciyaaraha Dalka.

Muuqaalka Caawiyaha VAR ayaan weli laga hirgalin horyaalka Premier League inkastoo loo isticmaalo FA Cup, waxaaa jira warar sheegaya in kal ciyaareedka soo socda ee 2019-20 laga isticmaali doono horyaalka Ingiriiska.

Idaacada Mataanaha la ah GoolFM ee Goobjoog ayaa arrinkaan ka wareysatay Xasan Aadan Yabaroow Wiish.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close