EEG: Kala Sarreynta Premier League tan iyo sidii loo ceyriyay Mourinho…..(Man United oo hogaanka heysa halka Liverpool iyo City laga riday 3-aad iyo 4-aad)

(England) 04 Feb 2019. Manchester United ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka Premier League marka dhibcaha laga soo tiriyo tan iyo markii kooxda laga ceyriyay Jose Mourinho isla markaana xilka si ku meel gaar ah loogu dhiibay Solskjaer.

United lagama adkaan sideedii kulan uu Premier League ku hogaamiyay Macalinka reer Norway oo hal kulan oo qura ayay bar baro galeen.

Haddaba taa ayaa ka dhigan in United ay horyaalka ku hogaamin lahayd 22-dhibcood haddii laga soo qabto markii la ceyriyay Jose Mourinho.

Liverpool oo hogaanka iminka heysa ayaa ku jirta 3-aad halka Man City ay ka dhacday 4-aad.

EEG kala Sarreynta Premier League tan iyo markii la ceyriyay Jose Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close