Daafaca kooxda Liverpool Joe Gomez oo qalliin lagu sameynayo xilliga uu maqnaan doonana aan la sheegin

(Liverpool) 04 Feb 2019  Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool iyo xulka Ingiriiska Joe Gomez ayaa lagu sameyn doonaa qalliin dhanka lugta ah, kaddib markii uu ku jabay ciyaartii Liverpool iyo Burnley ee December sanadkii tegay.

Gomez oo 6 toddobaad ka maqnaa garoommada ayaa la filayay in uu dib ugu soo laabto ciyaaraha xilli ciyaareedkan hase yeeshee waxaa Liverpool ay sheegtay in uu u baahan yhaya qalliin.

Ciyaaryahan Gomez oo 21 jir ah ayaa 18 kulan u saftay Liverpool ka hor intii uusan dhaawacu soo gaarin 5-tii December.

Haddaba Liverpool oo ay ka maqan yihiin Gomez iyo Lovren (dhaawac bowdada ah) ayaa waxaa ay ku xisaabtamayaan labada daafac ee dhex dambe Virgil van Dijk iyo Joel Matip, waxaana Liverpool ay 2 dhibcood ku hoggaaminaysaa Horyaalka Ingiriiska iyagoo caawana London Stadium kula ciyaari doona West Ham.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close