Waa kee daafaca Real Madrid u dheela ee Juventus ay ku dooneyso 52 milyan ee dollar?

(Roma) 03 Feb 2019    Wararka ka imaanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay bar tilmaameedsanayso daafaca bidix dambe ee kooxda Real Madrid Marcelo.

Daafacan reer Brazil ee muddada 12-ka sanadood ah ka ciyaarayay Santiago Bernabeu ayaa isaga qudhiisu xiiseynaya in uu si sharaf leh kaga tago Real Madrid.

Wargeyska ‘Tuttosport’ ayaa qoraya in Juventus ay si weyn ugu dadaalayso in ay la soo wareegto Marcelo kuna doonayso 45 milyan oo Euro (52 milyan oo dollar).

Juventus waxa kale oo warku intaa ku darayaa in ay Marcelo siin doonto 12 milyan oo Euro sanadkii, taasoo ah lacag uu ku dhiirran karo, iyadoo sidoo kale kooxda Bianconeri uu kaga sii horreeyo saaxiibkiis Cristiano Ronaldo.

Laacibkii hore ee ka soo ifay da’yarta Fluminense Marcelo ayaa qandaraaskiisa Real Madrid ku eg yahay 2022-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close